Madaxweyne Xasan: Xukuumadda lama kala dirayo oo wey jireysaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Xukuumadda lama kala dirayo oo wey jireysaa

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka Soomaaliya.

Xasan Xasan Sheekh oo shirka jiraa’id ku soo hadal qaaday xaaladaha amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in horumar badan laga sameeyay haddana amniga meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ku micneeyay qorshaha isku dhafka ciidamada in uu yahay mid muhiim u ah dalka uuna horseedi doono qorshahaasi horumar.

Madaxweynaha oo sidoo kale ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa beeniyey warar sheegayey in la kala dirayo xukuumadda Soomaaliya ee haatan jirta.

“Warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira, taasi maaha mid sax ah oo wax walbo wanaagaa halaga eego, warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhanka dhaqaalaha ayaa cadeeyay in dhaqaalaha uu kobcay, waxaana uu xusay in aysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo ay dowladu ka hesho beesha caalamka.

“Dowladu waxay ku dadaaleysaa tayeynta shilinka Soomaaliya oo qiimihiisu dhacayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga iyo tayeyntiisa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay calaaqaadka beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu ay hagaajisay xiriirka wadamada dunida iyo ururada caalamiga ah, taasina sabab ay u noqotay in Soomaaliya ay ka muuqato dunida inteeda kale, waxaana uu tilmaamay in ay qorsheynayaan in ay iska bixiyaan qaaraanka ururada caalamiga ah ee Soomaaliya qeybta ka tahay.

Madaxweynaha oo shirkiisa jiraa’id aad u dheeraa ayaa ugu dambeytii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay la yimaadaan kalsooni iyo dulqaad taasi oo horseedeysa horumaro kale duwan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!