Madaxweyne Xasan "Waxaannu ka dalbanay Baarlmaanka Japan inay naga dhisidda aqalka sare" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan “Waxaannu ka dalbanay Baarlmaanka Japan inay naga dhisidda aqalka sare”

Mareeg.com-Maarso-13-2014-*Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta
Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki
iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay
Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo
dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin
doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.japan_parliament_hassan

Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda
Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “
Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku
tallaabsada. waxaannu ka codsanay, Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan
dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo
wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed
iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo
indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.

For more information please contact:

Shador Haji Mohamud

Press Officer

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.