Madaxweyne Xasan: Axmed Siilaanyo iyo Cabdilweli Gaas ayaan la hadlay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Axmed Siilaanyo iyo Cabdilweli Gaas ayaan la hadlay

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arrimaha ammanka, dib u dhiska ciidamada, siyaasadda dibedda iyo xiriirka caalamka ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka dowladda iyo AMISOM kula jiraan Alshabaab, wuxuuna sheegay in dowladdu gargaar u dirtay qaar ka mid ah deegaanada laga saaray Alshabaab.

Wuxuu sidoo kale, madaxweynuhu sheegay in Alshabaab caqabado ka abuureen deegaanadii laga saaray oo ay qaateen matooro ceelal biyood, halka qaar ka mid ah ceelasha ay ku shibeen waxyaabo diidaya in biyo laga cabo.

Madaxweynaha oo wax laga wediiyey qunsul la sheegay in Kenya usoo magacaawaday Jubooyinka ayaa sheegay inaan dowladdu ka warheyn qunsul Kenya halkaas u dirtay, wuxuuna tilmaamay iney warbaahinta ka maqleen, islamarkaana baarayaan.

Wuxuu sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlay xalaadda Soomaalida Kenya iyo xarigii qunsulka safaaradda, wuxuuna xusay iney Kenya u direen warqad rasmi ah oo cabsho ah, ayna jawaab ka sugayaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisaddii bishii hore ka kacday degmada Taleex ee gobolka Sool, wuxuuna xusay iney dowladda Federaalka Soomaaliya ka shaqeysay sidii xaaladdaas loo dejin lahaa, kuna guuleysatay.

“Anigu waxaan la hadlay madaxweyne Siilaanyo, waxaana la hadlay madaxweyne C/weli, waxaan lagu guuleystay in Puntland hakiso ciidamo ay u diri laheyd Taleex, Somaliland-na dib ula baxdo ciidamadeeda” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay u diyaar garowday sidii Ummadda Soomaaliyeed ay wadatashi uga la yeelan lahayd Mustaqbalka sannadka 2016-ka dalka uu hiigsanayo, dowladduna ay ku faa’iiday shirarkii ay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!