Madaxweyne Xasan Sheekh oo u tacsiyeeyey Keyna * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u tacsiyeeyey Keyna

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisa, weerarkii lagu laayey ardey iyo dad kale oo aan waxba galabsan oo ku sugnaa jaamacad magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya. Weerarka waxaa lagu dilay 147 qof oo arday u badan iyo 3 askari.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaan tacsi u diraya , murugadana la qeybsanayaa qoysaska iyo eheladdii dadkii sida arxan darrada ay u laayeen argagixisada shar- wadayaasha ah, Waxaan dadka dhaawacmey u rajeynayaa caafimaad buuxa oo degdeg ah”.

Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay falka Alshabaab ku weerartay Jaamcadda Gaarisa, kuna tilmaamey mid waxashnimo ah oo aan diin iyo dhaqan wax lug ah ku lahayn.

Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in weerarkan muujinayo sida loogu baahan yahay in la sii dardar-geliyo iskaashiga labada dal ee dagaalka lagu burburinayo kooxaha argagixisada oo gobolka iyo caalamkaba khatar ku ah.

“Waa hubaal inaan ka adkaan doonno argagixisada, Kenya waa dal aan walaallo nahay oo inoo soo gurmadey, taageeradaas ayayna kooxaha argagixisada ka soo horjeedaan. Ujeedka argagixisada waxa weeyaan inay ina niyad jebiyaan, taasina ma dhaceyso, oo waxaa inaga go’an inaan baabi’inno, si shacabka gobolkan ku dhaqan ay nabad iyo horumar u gaaraan”.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u garab taagan yihiin walaallahooda reer Kenya, xilligan adag ee ay ku jiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More