Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa galabta u ambamaxay dalka Ethiopia, waxaana wafdiga Madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.

U jeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in uu Madaxweynuhu uu magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu kulan balaaran kula yeelan doono wufuud caalami ah, iyagoo ka wada hadli doona arrimo quseeya xaaladda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo muddo 5 maalin ah ku maqanaa dalka Jarmalka isagoo intii halkaasi uu ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Berlin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!