Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Qanacsan Ku Biiriridda Ciidamada Itoobiya Ee Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Qanacsan Ku Biiriridda Ciidamada Itoobiya Ee Amisom

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey ku biiriradda ciidamada Itoobiya ee AMISOM, arrinkaas oo 21-kii bishaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya eek u biiray howlgalka AMISOM ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda dalka Soomaaliya.

“Ku biiridda ciidamada Itoobiya ee howlgalka AMISOM waxay xoojinaysaa howlgalka looga horjeedo Al-shabaab oo uu sheegay inay yihiin koox dhibaatooyin ka wada deegaanno badan oo dalka ku yaalla,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay VOA.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee ka socda dalalka Afrika ay ka bixi doonaan Soomaaliya marka lasoo gebagebeeyo qorshaha ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso iney qurxiso taariikhda u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan doonaynaa inaan qurxinno tariikhdii qarniyaasha badan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo meelo xun-xun leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in ku biiridda Itoobiya AMISOM keeni doonto in dhallinyaro u careysan Itoobiya ku biiraan Alshabaab, taasina fursad u xarakadaas.

“Ma filayo inay jirto cid u arkaysa in Alshabaab tahay koox wanaagsan, maxaa yeelaya Al-shabaab waa dowlad la’aan, dal la’aan iyo nolol la’aan, waa dad isugu jira Soomaali iyo ajnabi dalalkooda dambiyo kasoo galay oo la yiraahdo marka uu halkan yimaado waa amiir oo laga baqo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya waxa ka dhalan doona ku biiridda Itoobiya ee ciidamada Midowfa Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!