Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo laabtay safarkii Masar

Read Time:1 Minute, 3 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dhawaan dalka Masar uga qeyb galay shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maalgashiga dalkaas.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madax kala duwan oo shirka lagu casuumey ayaa ugu horeyn khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaaney Masar dhabbaha ay hayso ee dhinaca qaabeynta mustaqbalka dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inay ka faa’iidi doonaan Waddamada Carabta iyo Qaaradda Afrika.

“Waa muhiim in waddamadeena ay horumariyaan siyaasad qeexan oo lagama maarmaan u ah kobcinta maalgashiga shisheeye iyo kan gudaha, waxayna taasi kaalin muuqata ka qaadaneysaa dhaqaalaha oo kordha. Waxaan dhammaanteen halkan isugu nimid inaan isweydaarsano fikrado la xiriira qaabka aan himiladaasi ku gaaro karno iyo inaan ka sii taxaddarno caqabadaha naga hor imaan kara iyo sida looga gudbi karo’’ ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El Sheik waxa uu kulamo kula qaatay madax kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo horumarka ay dowladda ku tallaabsatay.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %