Madaxweyne Xasan oo gaaray degmada Cadaado

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado.

Wafdiga Madaxweyaha waxaa Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne aad fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in uu furo shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana magaalada Cadaado ku sii qul qulaya musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Maamulka la sameyn doono iyo ergagada ka qeyb galaysa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Cadaado waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa odoyaasha dhaqanka iyo ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Gobollada dhexe.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %