Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaarad Helicopter ku tagay degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaarad Helicopter ku tagay degmada Afgooye

September 10 (mAREEG)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow diyaarad Helicopter ah ku tagay degmada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Afgooye ku soo aaday saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha, waxaana safarkiisa ku wehliya Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha ay salka ku heyso arrimo la xiriira gobolka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo ariimo kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha uu la kulmi doono odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha amniga oo horay u gaareen Afgooye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Laamaha Amniga.

Dad badan ayaa is weydiinaya in maadaama Afgooye Muqdisho u jirto 30-KM sababta Madaxweynuhu uu safar dhinaca dhulka ah ugu tagi waayo, bedelkii diyaarad Helicopter ah uu ku tagay, waxaana sanado ka hor la ogaa in Madaxweynihii hore uu safar dhinaca dhulka ah ku tagay degmadaas.

Ammaanka degmada Afgooye ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamada gaarka ah iyo kuwa Madaxtooyada ay uga sii horeeyeen Madaxweynaha degmada Afgooye, si ay amnigiisa u sugaan, kuwaasoo dhulka maray.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.