Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhaliilay Garsoorka Dalka

Read Time:34 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhaliilay garsoorka Soomaaliya, iyadoo horay bilowgii sanadkaan Muqdisho lagu qabtay shirweyne la sheegay in lagu habeynayey nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay waxa keena in qof dambi lagu helay maalmo kadib lagu arko isagoo iska maraya magaalada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in sababaha keenay in dad dacwado loo heysto lasii daayo ay tahay iyadoo aysan dowladdu laheyn xeer ku saabsan waxa loogu yeero argagaxisada.

Garsoorka Soomaaliya ayaa noqday mid aan la sixi Karin inkastoo Muqdisho horay loogu qabtay shirweryn maalmo socday oo ka qeybgaleen aqoonyahano isaga kala yimid dalka gudahiisa iyo debadiisa.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %