Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyey Weerarkii Istanbul * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyey Weerarkii Istanbul

Muqdisho-11-12-2016-: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga tacsiyadeeyey dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaga tacsiyeynayaa dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso, iyo kuwa ku dhawacmeyba.

Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun.

Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga.

Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhirabaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay wadamada caalamka in la xoojiyo iskaashiga ku aadan sidii loo gaba-gabeeyn lahaa falalka iyo fekerka Kooxaha Argigixisada ah.

–Dhammaad–

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!