Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir madaxeedka IGAD * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir madaxeedka IGAD

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Abab ee dalka Itooboiya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Adis’ababa uga qeeybgalaya shir madaxda wadamada IGAD ay ku yeelanayaan halkaasi, kaas oo looga hadlayo mushkiladda ka taagan dalka Koofurta Sudan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa madaxweynaha ku sii sagootiyay gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo R/wasare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha ayaa hal maalin ku soo qaadan doono  magaalada Adis’ababa maadaama shirka madaxda IGAD loogu talagalay hal maalin oo kaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.