Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Booqashada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay salka ku hayso sidii uu ugala hadli lahaa madaxda maamul goboleedka Koofurgalbeed sii xoojinta ammaanka iyo weliba soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedka. waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka magaalada lagu arkayo ciidamo faro badan.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta maamulka Koofurgalbeen,

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!