Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminayo Oo gaaray Baladweyne

Baladweyne ( Mareeg)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya.

Ujeedada Booqashada Madaxweynaha ee Magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in ay tahay si beelaha degan Gobolka Hiiraan loogu qanciyo ka qeyb galka wajiga labaad ee shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah Beelaha ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa saluugsanaa hanaanka loogu qeybiyay Ergooyinka u matalaya shirka.