Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta 30/03/2014 gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee gaaray magaalada Baydhabo, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka magaalada.

Madaxweynaha ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada ee gobolkaasi ku dhaqan, wuxuu sidoo kale madaxweyne Xasan la kulmayaa dhinacyada iska soo horjeeda eek ala hogaaminaya labada maamul ee magaalada loo dhawaaqay.

Madaxweye Xasan ayaa Baydhabo u tegay si uu xalliyo khilaafka ka dhashay maamullada iska soo horjeeda ee laga dhisay magaalada Baydhabo.

Debadbaxyo la filayey iney maanta ka dhacaan Baydhabo ayaa waxaa isk hortaagay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo xiray inta badan wadooyinka magaalada.

Rabshado ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada, kuwaas oo u dhaxeeya taageerayaasha labo maamul oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada.

Waa safarkii labaad ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tego magaalada Baydhabo tan iyo markii uu xilka qabtay dabayaaqadii 2012.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.