Madaxweyne Xasan: Shabaab la xiray looma doodi karo, sharciga ayaa la marinayaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Shabaab la xiray looma doodi karo, sharciga ayaa la marinayaa

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyey inaan dadka qaraabadiisa ah ka daba ordin shakhsiyaadka ku eedeysan Alshabaab ee lasoo xiro, taasoo ah arrin marar badan soo laalaabata.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayey xuska sanad guuradii 44-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaay ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiiro, xildhibaaano, Jeneraalo, odayaal iyo ganacsato ay u doodaan Shabaab ay qaraabo yihiin oo dowladda Soomaaliya xirtay.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “War haddii Shabaab lasoo xiro yeysan soo dabakicin wasiirrada, xildhibaanada, Jananada, odyaasha iyo ganacsatadu, haddii lasoo daba ordo Shababaab kasta ee lasoo xiro sidee uga adkaaneynaa nimankaas?”

Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in qofkii loo xiro Shabaab ahaan ee lagu waayo la sii deynayo, iyadoo weliba la cadeynayo inuusan ururkaas ku jirin, hase ahaatee qofkii lagu helo sharciga la maraniyo.

Saraakiisha iyo madaxda dowladda iyo beelaha ayaa lagu eedeeyaa iney u doodaan dhallinyarada ay qaraabada yihiin ee ka tirsan Alshabaab, arrintaas culeys badan ku keentay arrimaha amaanka iyo howlaha garsoorka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!