Madaxweyne Xasan: Meel hala iska dhigo qabyaaladda

Mareeg.com: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qabyaaladdu sal u tahay dib u dhac ku yimid Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in laga gudbo qabyaalada iyo faqooqa dhexyaala umadda Soomaaliyeed, melna la isaga tuuro wax kasta oo ka hor immaanaya midnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan waxa uu tilmaamay in tallaabo kasto oo la damco in dhinaca wanaagga loo qaado ay caqabad ku noqonayaan dad eegaya danaha qabaa’ilka ay matalaan, kuwaasoo u baahan in la qanciyo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in loo baahanh yahay in laga gudbo melna la isaga tuuro arratida qabiilka oo Soomaalidu ay aaminsn yihiin sida uu sheegay.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay la sheeqeeyaan Taageero buuxdana ay siiyaan Dowlada Soomaaliya.

Waxa uu Sidoo kale Sheegay Madaxweynaha in Dowlada ay ku dadaaleyso dhaqan gelinta wixi ay horay u balan qaaday.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245