Madaxweyne Xasan oo xalay la shiray xildhibaano gaar ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo xalay la shiray xildhibaano gaar ah

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Xildhibaanadii taageersanaa Siyaasada R/wasaarihii 6-dii bishaan lagla laabtay codka kalsoonida Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu xildhibaanadaas kala shiray sidii aysan uga hor imaan laheyn RW cusub ee uu doonayo inuu soo magacaabo.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu xildhibaanadaas oo gaaraya ilaa 80 uu kala xaajooday soo magacaabista RW cusub, maadaama ay diidanayaayeen rididta RW hore.

Xildhibaanadan ayaana horey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in wada tashi uu kala yeesho Ra’izul Wasaaraha uu rabo in uu soo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Xildhibaanada ayaa ka codsaday in meesha laga saaro kala aragti duwanaashaha wali ka dhax taagan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in uu qaadan dooo talada Xildhibaanada uuna soo magacaabi doono R/wasaare karti badan oo horey u dhaqaajin kara xaalada dalka hada uu ku jiro.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in qaar ka mid ah xildhibaanada, gaar ahaan kuwii taageersanaa RW hore Cabdiweli Sheekh ay codka kalsoonida u diidan RW cusub marka lasoo magacaabo.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More