Madaxweyne Xasan oo xalay ku dheelmaday saldhigyo boolis iyo goobo ganacsi (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 13 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kormeeray 3 ka mid ah saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo dhanka kale socod ku maray wadada Maka Almukarrama.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeerkiisa waxa uu ka bilbaabay saldhigga Bari ee degmada C/casiis, halkaas ayuu madaxweynuhu ugu tagay saraakiil ka tirsan Booliiska iyo madaxda maamulka degmadaasi, iyadoo ciidammada iyo qaar ka mid ah saraakiishana waqtigaasi ay ku maqnaayeen howlgal degmada C/casiis dhexdeeda ah,

Madaxweynaha ayaa uga sii gudbay halkaasi degmada Kaaraan, isagoo sii maray waddooyin dhowr ah waxa uuna gaaray madaxweynaha saldhigga degmada Kaaraan, waxa uuna su’aalo kala duwan oo la xiriirra sida ay u shaqeeyaan ciidammada Booliska weydiiyay saraakiisha saldhigga ku sugnaa, iyagoo ku warbixiyay in ciidammada ay si joogta ah kormeer uga sameeyaan dhammaan xaafadaha degmada, shacabkana ay ka helaan wada shaqeyn wanaagsan.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeer ku tagay saldhigga degmada Waaberi, isagoo soo indha indheeyey qeybaha saldhigga mar kalena su’aalo weydiiyey taliyhii saldhigga, waxa uuna ugu dambeyn ku dhiirageliyey in ay sii laba jibaaraan ilaalinta amniga, shacabka.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa xalay lug  ku soo maray waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, waxa uuna halkaasi kula kulmay dad Soomaaliyeed oo saqdii dhexe ku sugnaa goobahooda ganacsiga, kuwaas oo si weyn u muujiyey farxadda la xiriirtay in ay la kulmaan madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa salaamay dadweyne ganacsiyo ku lahaa hareeraha wadada Maka Almukarrama iyo kuwa kale oo dukaameysanayey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.