Madaxweyne Xasan oo xalay casho sharaf u sameeyey madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo xalay casho sharaf u sameeyey madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyey madaxweynaha Jabhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Casho sharafta ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsan labada gole ee dowlaada Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah, iyo marti kale.

Kulanka casha sharafta ayaa la filayaa in khudbado ay ka jeediyaan mas’uuliyiinta ka qeyb galaya oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Intii munaasabaddu socotay, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka ee geesinomo guddoonsiiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!