Madaxweyne Xasan oo xafiisyada dowladda ka mamnuucay waraaqaha afafka qalaad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo xafiisyada dowladda ka mamnuucay waraaqaha afafka qalaad

Mareeg.com: Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay xuska sanad guuradii 42-aad ee kasoo wareegtay markii la qoray Afka Soomaaliga oo aheyd sanadkii 1973.

10427315_875796295774353_7226282957959580782_n

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Afka Soomaaliga la qoray oo ku beegan maanta.

Munaasabada lagu weyneynayay 42-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Maanta oo kale, 21-kii Janaayo sanadkii 1973 ayaa lasoo saaray Wargeyskii Xidigta Oktoober, kaasoo lagu soo saaray Af-Soomaali, waxaana maalintaas loo aqoonsaday maalinta Afka Hooyo.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo qiimo ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalinkii ugu horeysay ee uu soo baxo Wargeyska Xidigta Oktoobar oo Afka hooyo ku qoran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in tahay maalin u baahan in bulshada la fahamsiiyo qiimaha gaarka ah ee ay ummadda u leedahay, isagoo xusay in shacabka looga fadhiyo horumarinta Afka hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo kale ay shacabka ugu fadhiso qiimo aad u weyn, dowladduna ay dadaal u galeyso sidii shacabka loo bari lahaa muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aysan xafiisyada dowladda ka soo bixi Karin Warqad ku qoran afka qalaad, si loo horumariyo afka hooyo in waxkasta lagu qoro Af-Soomaali.

Madaxweyne Xasan ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaaliya ee sida aadka ah u adeegsada erayada English-ka marka uu khudabadaha jeedinayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!