Madaxweyne Xasan oo wasaaradda difaaca ugu khudbeeyey milateriga Soomaaliya & Amisom

Read Time:1 Minute, 21 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu hadal uga jeediyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo fariisin ku leh halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay wasaaradda gaashaandhiga oo ku saabsaneyd guulaha Alshabaab laga gaaray ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM guulahaas.

Wuxuu sheegaya madaxweynuhu inay jiraan carruur agoon ah oo ku nool dalalka Jabuuti, Kenya, Burundi iyo Sierra Leone, kuwaas oo ay waalidiintood u hureen naftooda sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd dal xor ah oo ay ka jirto kala dambeyn iyo nabadgelyo.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda gargaar bini’aadannimo iyo daryeel u fidineyso dadka ku dhibaateysan deegaannada laga saaray Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ciidanka Soomaaliya ku guubaabiyay inay muujiyaan muuqaal qarannimo, isagoo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ku amaanay sida ugu dadaaleen anshaxa ciidanka, maadaama ay yaraadeen dhibaatooyinkii uu shacabka ka taban jiray askarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqti dheeraad ah u qabtay in dhallinyarada Alshabaab isugu soo dhiibaan dowladda Soomaaliya isagoo u qabtay 60 cesho oo dheraad ah, taasoo ka bilaabaneysa 1-da November ku dhamaaneysa ilaa 31-ka December 2014.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan ayaa dowladda Turkey iyo hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiiyeen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Dhanka kale, waxaa Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Jen. C/razaaq Khaliif Cilmi ayaa munaasabadda ka sheegay in intii ay socdeen labadoo Howlgal ee loogu magic daray “Galeyr iyo Badweynta Hindiya” Alshabaab gacanta looga dhigay Jalalaqsi, Ceelbuur, Cadale, Baraawe, Qoyooley, Kurtuwaarrey, Kudhaa iyo meelo kale.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.