Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxa uu waraaqadahooda aqoonsiga safiirnimo uga gudoomay danjirayaasha dalalka Masar iyo Jarmalka ay u soo magacaabeen Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxa uu kulan la qaatay labada danjire kaasi oo looga hadlayay xoojinta xiriirka Soomaaliya uu dalalkaasi la leeyahay, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo wasiir dowlaha Wasaaradaasi.
Jamaal Maxamed Barrow, ku-simaha wasiir kuxigeenka Wasarada arrimaha dibedda oo warbaahinta lahadlayay kadib markii uusoo idlaaday kulankaasi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu warqadahooda danjirenimo ka gudoomay safiirada Dalalka Masar Maxamuud Maxamed Coof iyo Jarmalka Mr. Andreas Peschke ee Soomaaliya u qaabilsan, ayna ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka Soomaaliya iyo dalalkaasi.
Safiirka dowlada Jarmalka Mr Andreas Peschke oo isagu warfidiyeenada la hadlay ayaa tilmaamay inuu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay horumarinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dalalka Jarmalka iyo Soomaaliya
Danjiraha dowlada Masar ay usoo magacaawday dalka Somaaliya Maxamuud Maxamed Coof ayaa isna dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida uu Madaxweynaha Soomaaliya uga guddoomay warqadiisa danjirenimo.
Mareeg.com