Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonisga ka gudoomay safiirka rasmiga ah ee Shiinaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonisga ka gudoomay safiirka rasmiga ah ee Shiinaha

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha sida rasmiga ah dalka Shiinuhu ugu soo magacaabay Soomaaliya, ninka la baxay Warsme Geeljir.

Kulanka uu la qaatay madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay wafdiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxaana ay isla garteen in si dhow ay u wada shaqeeyaan islamarkaana xiriir iskaashi uu u dhex maro.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay In maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Shiinaha ay u soo magacowday dalka  Warsame Geel jire, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirka sidii loo bilaabi lahaa mashaariicyo horumarineed oo Dowladdda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dooneysa Shiinaha inuu ka caawiyo arrimo farabadan oo xagga horumarinta ah.

Safiirka Cusub Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Warsame Geel Jire oo ku hadla afka Soomaaliga, islmarkaana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya loo soo magacaabo, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dalka, iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in Shiinuhu uu wax u qaban doono Soomaaliya, isagoo dib u eegis ku sameyn doona goobo iyo waddooyin horay Shiinuhu uga dhisay Soomaaliya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.