Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay Mareykanka (Muxuu halkaas u aaday?)

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa gelinkii dambe ee shalay u amba-baxay dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa.

Shirkaan madaxweyne ka qeybgelayo ayaa soconaya 4 ilaa 6 bishan Agoosto, waxaana madaxweynaha safarkiisa ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale.

R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, ahna ku simaha madaxweynaha ayaa markii uu madaxweyne ka duulay garoonka Aadan Cadde warbaahinta la hadlay, una sheegay in shirka ka dhacaya Mareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu talagashay horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgeli doona kulan loogu magac daray “Jiilka Dambe” waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245