Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay Mareykanka

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka.

Madaxweynuhu wuxuu ka qeyb gelayaa shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee New York, halkaasi oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo howlaha hadda hor yaalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo magaalada New York wuxuu kulammo gooni gooni ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda caalamka ee, iyaguna shirkaa ka qeyb gelaya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245