
Mareeg.com: Madaxweynaha Soomalaiya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Khratuum ee dalka Sudan uga qeybgelaya caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas, Cumar Xasan Al-bashiir.
Madaxweyne Xasan oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Negeria oo uu uga qeybgalau caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalkaa Mohamaddu Buhari ayaa habeen hore tegay Kenya, kadibna dhalay uga sii gudbay Sudan.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta ka qayb galo xaflada caleema saarka madaxweynaha dalkaasi Sudan, Cumar Xasan Al bashiir oo xilkaasi ku guuleystay doorashii dhawaan ka dhacday dalkaasi dhowr jeer oo horana isaga ayaa ku guuleystay xilkaan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada xukuumadda federaalka ah ee dalka Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee Sudan gaaray ayaa waxaa uu ka warbixiyay imaashaha wafdiga ee dalka Sudan isagoo sheegay in inta madaxweynuhu dalkaas joogo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madax kala duwan oo caalamka ka socota.
“Wafdiga madaxweynaha waxaa uu ka qayb gali doonaa caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan, mudane Cumar Xasan Al bashiir oo Khartuum ka dhici doonta labada bishan hadii alle yiraahdo, wafdiga inta uu joogo madaxweynaha waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkani Sudan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka oo ka soo qayb gasha caleema saarka madaxweynaha haduu ilaahay idmo” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.
Arrintaan ayaa ka dhigan in madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo hal todobaad ah ka qeybgelayo caleema saarka labo madaxweyne oo Afrikaan ah, kuwaasoo shacabkooodu soo doorteen.
Mareeg Media