Madaxweyne xasan oo si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wada-tashiga

Waxaa si rasmi ah u  furmay  shir  madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb qaadanayaan madaxda dowlada federaalka  Soomaaliya, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo lagu dhameystiraayo qodobadii ka dhimanaa doorashooyinka Soomaaliya loo qabanayo sanadkaan 2016-ka, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax ka socota beesha caalamka.

Shirkaoo qaadan mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.shirkamadasha4

Mahad Maxamed Salaad oo ah Wasiirka dowlaha Madaxtooyada oo  warbixiyay furiyaanka shirka ayaa sheegay in shirkaani socon doono  labo cisho, isla markaana laga hadlayo arrimaha dhameystirka doorashooyinka 2016

“Qorshaha shirkii madasha maanta  waxaa looga arrinsanayay dhameystirka arrimaha quseeya doorashooyinka 2016, waxa warbixin laga dhageystay Guddiga farsamada heer qaran, qodobada muhiimka ee hor-yaala madasha waxa ka mid ah in la dhameystiro guddiyadii heer dowlad goboleed ee doorashada ka dhimanaa, in la dhameystiro guddiga khilaafaadka”ayuu yiri Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mr Mahad Salaad

Waxaa  kale oo looga hadli  doonaa  labada maalin ee uu socon shirkaaani  doorka haweenka ay ku yeelanayaan baarlamaanka la filayo, iyo waliba aqalka sare.

Ugu dambeyn wasiirku ayaa sheegay in gabagabada shirka lagu soo gudbin doono xilliga rasmiga ah ee doorashada la qaban doono  iyo xiliga ay dhamaan doonto, iyo sidoo kale qodobada wali dhiman eek u aadan doorashooyinka 2016-ka.shirka madashashirkamadash2shirka madashashirkamadash5shirkamadasha

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245