Madaxweyne Xasan oo shir uga qeybgelaya Urdun * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo shir uga qeybgelaya Urdun

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Urdun ayaa maanta ka qayb galaya shir  looga hadlayo qatarta waxa loogu yeero argagixisada ee dunida.

Shirka oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika, sida Jabuuti, Kenya, Tanzania iyo kuwa Carabta ayaa lagu gorfeyn doonaa qaababka ugu haboon looga hortagi karo qatarta argagixisada iyo sidii la isaga kaashan karo sugidda ammaanka.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa xusay in shirkan uu ahmiyad u leeyahay dalalka ka qeyb galaya, uuna ku saabsanyahay iskaashiga dhanka Nabadgelyada iyo isdhaagsiga khibrahada dal waliba uu u leeyahay  la dagaallanka argagixisada.

“Shirkan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga dhanka amniga ah oo ay yeelanyaan waddamada ka qeybgalaya iyo qaabka ugu haboon ee jawaabta deg deg ah looga bixin karo xaaladaha amni darro ee ka jirta dalalka Geeska Afrika iyo dalalka ay saameeyeen dhinac argagixisada, waxaana looga hadlaya amniga guud ee dalalka caalamka iyo isdhaafsi khibrado la xiriira sida looga hortagi karo argagixisada” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay BBC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda amni ee dalka iyo waaya aragnimada dowladdu u leedahay la dagallanka waxa lagu tilmaamo argagixiso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!