Madaxweyne Xasan oo shir gaar ah ka furay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Mareeg)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

madaxweyne xasan iyo wasiirka 1waad cumar cabdi rashiid sharmarke
madaxweyne xasan iyo wasiirka 1waad cumar cabdi rashiid sharmarke
shirka wadatashiga_beesha caalamka
shirka wadatashiga_beesha caalamka

wadatashimadobe+guuleed

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia