Madaxweyne Xasan oo Sacuudiga u tegay tacsida boqor Cabdalla Bin Cabdilcaziiz * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo Sacuudiga u tegay tacsida boqor Cabdalla Bin Cabdilcaziiz

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo safar deg deg ah uga soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo uu safarkiisu ku qotomay geeridii ku timid Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo ahaa amiirkii dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi kaga tacsiyeynaya dadka iyo mas’uuliyiinta Sacuudi geerida ku timid Allaha u naxariistee Boqorka Dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa wadanka Sucuudiga oo uu ka mid yahay boqorka cusub, Salmaan Bin C/caziiz.

Qaar badan oo ka tirsan madaxda dalalka Islaamka ayaa shalay ilaa xalay gaaray dalka Sacuudiga si ay dowladda iyo dadka dalkaas uga tacsiyeeyaan geeridii ku timid Amiir Cabdalla Bin C/caziiz oo habeen hore geeriyooday isagoo 90 sano jir ahaa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!