Madaxweyne Xasan Oo Rajo Ka Qaba In Wadahadalka Lagu Qabto Muqdisho Ama Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Oo Rajo Ka Qaba In Wadahadalka Lagu Qabto Muqdisho Ama Hargeysa

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay wada xaajoodka u socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uu yahay in la helo midnimo Soomaaliyeed.

“Hadafka dowladda fedreaalku ugu jirto wadahadalladan waa sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, waana tiir ka mid ah lixda tiir ee aan ku shaqeynayno, taasna waxaan u maranaynaa wadahadallada socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan inuu rajo ka qabo in wada xaajoodka labada dhinac oo haatan lagu qabto dalal debadda ah loo soo wareejiyo gudaha dalka oo lagu qabto Hargeysa ama Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya aad ayay u higsanaysaa w in wadahadalladu ay dibadda ka yimaadaan oo lagu qabto dalka gudihiisa, sida in lagu qabto Hargeysa ama Muqdisho iyo meeshii kale oo lagu heshiiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa aad ugu kala duwan arrinta midnimada dalka, waxaana maamulka Somaliland doonayaan iney ka go’aan Soomaaliya inteeda kale, halka dowladda Soomaaliya xoog u diiday.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!