Madaxweyne Xasan oo raba in beesha caalamku caawiso maamul goboleedyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo raba in beesha caalamku caawiso maamul goboleedyada

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raba la taageero Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku boorriyay beesha caalamka iney caawiyaan maamul goboleedyada dalka ka dhismaya.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabaddii shalay lagu caleemasarayay madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beesha caalamka ka dalbaday iney door wanaagsan ka qaataan dhismaha iyo horumarinta maamullada dalka ka hanaqaaday.

“Beesha Caalamku ineey usoo deg degto maamul goboleedyada oo ay tayeeyso awoodda dhinaca maamulka, maamulka hadda laga dhisay Baydhabo hoolkaanaa u guri ah oo ma heystaan xafiisyo iyo xarumo maamulku ku shaqeeyo, waxaan rabnaa caalamku inuu yimaado oo maamulladan dhismaya wax lala qabto” ayuu yiri madaxweye Xasan.

Madaxweyne Xasan ayaa shalay magaalada Baydhabo uga qeybgalay caleemo saarka iyo hdaaritnta Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan loo doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Baay, Bakoo iyo Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!