Madaxweyne Xasan oo raba diyaarinta manhaj waxbarasho oo ku qoran Af-soomaali * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo raba diyaarinta manhaj waxbarasho oo ku qoran Af-soomaali

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo maanta oo arbaco ah ka hadlayay xuska maalinta la qoray Afka Soomaaliga 21-ka Janaayo ayaa waxa uu ku amray madaxda Wasaaradda Hidaha iyo Taclinta sare in ay sameyso Manhaj ay ku miday sanyihiin dhamaan bahda waxbarashada kaas oo ku qoran afha Hooyo ee Soomaaliga.

“Wasaaradda Tacliinta waxaan farayaa in ay sameyso manhaj midaysan oo ku qoran farta Soomaaliga si kasto oo awoodda wasaaraddu u yartahay, hadana waa lama huraan in ay u istaagto Arrintaan, laga billaabo sanadkaan waxaan u istaagi Doonnaa dhamaystirka inta ka dhiman manhajka, iyada oo lagu qori doono farta Soomaaliga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khudbadda Madaxweynaha Dalka oo aad u dheereed ayaa waxa uu sidoo kale uga hadlay sida loo soo celin karo xarumihii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ku yiilay kuwaas oo ku bur-buray dagaaladii dalka ka dhacay.

“Xarumihii Aqoonta iyo Taariikhda iyo Ilbaxnimada Soomaaliya sida, Madxafka iyo Maktabada waa in dib loo soo celiyaa, Dowladda Soomaaliya waxa ay u istaagi doontaa dib u soo noolaynta goobahaas sanadkaan” ayuu yiri markale Madaxweynaha Soomaaliya .

Sidoo kale mas’uuliyiintii kale ee munaasabadda ka soo qayb galay ayaaa isku raacay in la qaato go’aannada Madaxweynaha dalka si afka Soomaaliga kor loogu qaado.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale amray in wixii maanta ka dambeeya aan xafiisyada dowladda laga soo saari karin warqad ku qoran af-qalaad.

Afka Hooyo ee Soomaaliga ah ayaa la qoray sanadkii 1973-kii iyadoo hatan laga joogo muddo 42 sano ah waxaana si weyn maanta looga xusay goobo badan oo ugu horayso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!