Madaxweyne Xasan oo Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carbta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carbta

Mareeg.com: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qahira ee dalka Masar kula kulmay Xog-hayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta Nabil Elaraby, sidaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aways.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Jaamacadda Carabta iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ka mahadceliyay booqashadii xubno ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta ay dhowaan ku tageen magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay qabto baahiyo badan oo ay rabaan in Jaamacadda Carabta uu gacan ka geysto sidii loo dabooli lahaa baahiyahaasi.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ururka inuu xafiisyo ka furto Muqdisho, isla markaana kala shaqeeyo dowladda sidii dalal badan oo Carab ah ay uga cafin lahaayeen Soomaaliya daymaha lagu leeyahay.

Nabil Elaraby ayaa sheegay inuu dabagal ku sameynayo ballanqaadyadii ururkiisa uu u sameeyay Soomaaliya ee ahaa kabidda miisaaniyadda ay ku shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida uu qoray Wargeyska Al-ahram ee kasoo baxa Qaahira, labada dhinac ayaa isku waafaqay fulinta go’aan bishii September ee sanadka Golaha Wasiirada Ariimaha debadda Jaamacadda Carabtu gaareen, kaasoo ahaa in $10 Milyan dollar bil kasta dalalka Carabta ku kabaan Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku waafaqay dedejinta shirka Carbeed ee Deeqbixiyaasha ee loogu talagalay in lagu taageero Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Dr. Nabil Elaraby ayaa isku waafaqay in dedaal badan lagu bixiyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa deymaha aduunka looga leeyahay.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isla gartay in dowladda Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabtu iska kaashadaan la dagaalanka mintidnimada.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!