Madaxweyne Xasan Oo Nairobi Kula Kulmay Dublamaasiyiin Heer Caalami Ah

Read Time:1 Minute, 51 Second

Nairobi, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulamo gaar gaar ah shalay iyo xalay Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin kala duwan, islamarkaana kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulamadii uu madaxda IGAD uu kula qaatay shirkii shalay ee looga hadlayey arrimaha South Sudan, waxuu sidoo kale Madaxweynaha kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ay ka midka yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemarian Deselegn oo uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo collaada ka bilaabatay dalka South Sudan si looga hortago dagaal ehel ah oo ka dhaca South Sudan.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa hoyga uu ka degenyahay Nairobi ku soo booqday diblomaasiyiin beesha caaalamka ah oo uu kala hadlay xiriirka dalalkaas iyo arrimaha Soomaaliya. Diblomaasiyiintii uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Belgium u fadhiya Kenya Bart Ouvry iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa diblomaasiyiintii uu la kulmay kala hadlay xaaladda South Sudan iyo sida ay muhiimka u tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, isagoo tusaale u soo qaadanaya arrimaha Soomaaliya oo uu sheegey haddii caalamku ay 1990-kii wax ka qaban lahaayeen inuusan dalka Soomaaliya bur-bureen, isla markaana tusinayey in laga hortago collaadaha South Sudan si aysan isagu bedelin kuwo qatar u keena geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay diblomaasiyiintaas xaaladda Soomaaliya una sheegey in Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu dhowaan soo dhisayo Xukuumad ka tarjumeysa marxaladda isla markaana isbedelka soo socda uu yahay mid rajo weyn gelinaya shacabka iyo dalka.

Madaxweyne Xasa ayaa sidoo kale sheegay in howlaha muhiimka ah la dar-dargelin doono, sida amniga, maamul wanaaga, dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta Federaalka, fulinta dhammaan howlaha ku xusan dastuurka KMG ah si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Madaxweynahu waxuu ka codsaday diblomaasiyiintii uu la kulmay inay dar-dar geliyaan sanadka 2014ka kaalmada iyo saacidaada dowladda Soomaaliya si ay ugu sahlanaato Xukuumadda inay howlaheeda dardargeliso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeen hore dalka Kenya u tegay ka qeybgalka shir looga hadlayey colaadda Koonfurta Sudan oo ay yeesheen madaxda dalalka IGAD.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %