Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku qaabilay 3 madaxweyne goboleed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku qaabilay 3 madaxweyne goboleed

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho maanta kula kulmay madaxda maamullada Puntland, Koonfur/galbeed iyo Jubba.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Maxamed Islaan ayaa Muqdisho u tagay inay kulammo wada tashi ah la yeeshaan madaxweynaha dowladda dhexe ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Kulanka oo qado ahaa ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, sida lagu sheegay war qoraal ah oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamullada ayaa waxaa u billowday kulammo qaadan doona laba maalmood oo ay uga arrinsanayaan siyaasadda guud ee dalka iyo hiigsiga sannnadka 2016-ka.

Madaxda ayaa marka ay dhammaadaan kulammadooda waxaa lagu wadaa inay wadajir u soo saaraan war-murtiyeed ku aaddan natiijada kulammada.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!