Madaxweyne Xasan oo munaasabada ciid al-Fitriga awgeed shacabka Soomaaliyeed hambalyo u direy * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo munaasabada ciid al-Fitriga awgeed shacabka Soomaaliyeed hambalyo u direy

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabdda ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Alle ka baryay in soonkii iyo Salaaddii uu ka aqbalo Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in aabo kasta looga baahanyahay in uu ka farxiyo carruurtiisa, isla markaana farxadda lala qeybsado dadka aan awoodin in carruurtooda ay farxadda ciidda la wadaagaan,lana gaarsiiyo gurmad dhinac waliba leh si loogu muujiyo in bulshada Soomaaliyeed ay tahay kuwa isu gurmada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed looga fadhiyo inay iscafiyaan oo ay isa saamaxaan, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii midnimadooda loo xoojin lahaa, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshisiinta oo waxkasta lagu dhameeyo wada hadal.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!