Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad muddo 2 bilood ah lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusa Mareeb ee xarrunta gobolka Galgaduud, iyadoo weli muran ka taagan yahay halka lagu qabanayo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
24-kii Maarso ee bishii hore ayaa madaxweyne Xasan Sheekh tegay halkaas, kadib markii Odayaasha ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb ay soo saareen go’aan shirka maamul sameynta loogu qabanayo isla Dhuusamareeb, loogana badelayo Cadaado.
Madaxweyne Xasan wuxuu halkaas ku hoyday labo cehso, wuxuuna kala soo laabtay naatiijo la’aan, isagoo kadibna aaday dalka Masar oo uu uga qeybgalay shir Madaxeedka dalalka Carabta.
Haatan, madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu geli doono dedaalkii ugu dambeeyey ee lagu raadinayo in dadka gobollada dhexe isku raacaan goobta lagu qabanayo shirkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya rabto degmada Cadaado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah odayaashii shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb ay ka soo dabceen mowqifkoodii ahaa in shirka lagu qabto Dhuusa Mareeb, hase ahaatee waxay taa bedelkeed doonayaan in loo xaqiijiyo in Dhuusa Mareeb ay noqoneyso Caasimada Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.