Madaxweyne Xasan oo maanta furaya kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo maanta furaya kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka

Mareeg.com: Kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah uga furmo xarrunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka lagu wado inuu furmo maanta oo Isniin ah, oo ah 27-ka April 2015.

“Waa kalfadhigii 6-aad ee uu baarlamaanka sameeyo waaye, runtii ajandayaal badan ayaa baarlamaanka horyaalla, waxaana rajeynayaa in howlo badan oo sanadka 2016-ka quseeya ay soo saaraan” ayuu yiri Xildhibaan Cilmi.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u furo kaldhiga 6-aad ee baarlamaanka federaalka ah, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay horyaalaan ajandayaal muhiim u ah hiigsiga sanadka 2016-ka.

Xildhibaan Cabdilladiif Nuur Muuse oo ka tirsan Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah u furayo kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa hadlay howlaha horyaalla baarlamaanka Soomaaliya waqtigaan la joogo wuxuuna yiri “Waxaa ugu muhiimsan oo horyaalla sharciyadii doorashooyinka, kuwa axsaabta, la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale, waxaana kalfadhigan uu noqonayaa kan ugu shaqada badan, maadaama baarlamaanka ay horyaallaan ajandayaal muhiim ah”.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasx ku maqanaa muddoo ka badan labo bilood, waxaana maanta u bilaabanaya kalfadhi ay horyaallaan howlo xulus.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!