Madaxweyne Xasan oo lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa saaka dib ugu laabtay Mudisho.

 

Waxaa madaxweynaha garoonka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana markaas kadib loo gudbiyey aqalka madaxtooyada.

 

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa markale ka hadlay wararkii todobaadkii hore laa faafiyey ee sheegayey inuu geeriyooday.

 

Wuxuu ku hanjabay madaxweyne Xasan in tilaabo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyey wararkii been abuurka ahaa ee lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ku geeriyooday dalka Turkiga.

 

Xasan Sheekh ayaa xusay inuusan dadlka Turkiga u tegin arrimo caafimaad, islamarkaana caafimaadkiisu yahay mid aad u wanaagsan.

 

Wuxuu sidoo kale, madaxweyne Xasan ka hadlay dagaalka lagula jiro Alshabaab, wuxuuna xusay iney socdaan qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah ururukaas.

 

 Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!