Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhigiisa Masar Al-siisi

Qaahira – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha cusub ee dalka Masar, Cabdifataax Al-Siisi.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo kaalinta Masar uga aaddan horumarka iyo nabad-gelyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo doortay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii hayaha xilka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in kulanka labada madaxweyne uu ay kaga hadleen arrimo badan oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Xafladda Caleema saarka madaxweynaha Masar ayaa waxaa ka qeyb-galay wafuud caalami ah oo madaxweyne Xasan Sheekh ka mid ahaa.

Wefdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay kusoo laabtaan Muqdisho, iyadoo socdaalkan uu noqonayo socdaalkii ugu horreeyay oo madaxweyne Xasan uu ku tago dalka Masar tan iyo markii xilka madaxnimo ee Soomaaliya loo doortay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245