Madaxweyne Xasan oo kusoo laabtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo kusoo laabtay Muqdisho

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkii hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhacay magaalada Washington ay ka soo baxeen go’aano aad u muhiimsan, kuwaasi oo ay ka midyihiin in la xoojiyo xiriirka Afrika iyo Mareykanka, heshiisyo lagu horumarinayo dhanka tamarta, fursad siinta dhalinyarada Qaaradda Afrika iyo Arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in isaga iyo wafdiga la socday ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo kuwa Maraykanka, waxaana uu Madaxweynaha tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka uu ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Jaaliyadda ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo horumarka dalka, islamarkaana ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!