Madaxweyne Xasan Oo Ku Faraxsan Kalsooni Kala Laabashada Baarlamanka Soomaaliya Ee Saacid

Read Time:1 Minute, 8 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu ugu riyaaqsan yahay kalsooni kala laabashada baarlamaanka ee xukuumadda R/wasaare Saacid.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyey baarlamaanka, wuxuuna yiri “Waxaan soo dhoweynayaa doorka baarlamaanka taasoo tusaale u ah sida ay shaqeynayso dimuqraadiyada dalka, waana u hambalyeynayaa shaqada adag ee ay qabteen iyo sida ay kartida ay soo bandhigeen iyo sida ay u dhaqan geliyeen dimuqraadiyada dalka Soomaaliya”.

Madaxweynaha ayaa diiday eedeyn ka timid qaar ka mid ah xildhibaanada iyo R/wasaare Saacid oo sheegeysay iney mooshinka ka dambeeyey koox madaxweynaha ku garab ah.

“Anigu ma aanan oran ra’iisul wasaaraha ayaan xilka ka qaadayaa iyo sidan ayaan yeelayaa, balse isaga ayaa sheegay inuu khilaaf jiro, taas ayaana keentay sida aan filayo in baarlamaanku uu soo fara-geliyo uuna howshiisa ka qabsado,” ayuu yiri nmadaxweyne Xasan.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inuu aqoonsan yahay kaalintii ay ciyaartay xukuumadda R/wasaare Saacid, wuxuuna yiri “Waan aqoonsanahay dadaalka iyo kartida uu muujiyay ra’iisalwasaaraha xilka ka dagaya iyo golihiisa wasiirada mudada sanadka ah ee ay xafiiska joogeen”.

Madaxweyne Xasan ayaa shacabka ugu baaqay iney dajiyaan, wuxuuna xusay iney higsanayaan meel ka fiican meeshii hadda la joogay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay galab cod aqlabiyad leh kalsoonida ugala laabtay R/wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay isaga madaxweyne Xasan Sheekh.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %