Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay qabashada shirweyne looga hadlayo arrimaha dadka naafada ah

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiillo ka socda una ololeeya xuquuqda dadka naafada ah.

Xubnahaas oo isugu jiray aqoonyahanno iyo shaqaale hey’ado kala duwan, waxay madaxweynaha u soo bandhigeen baahida sharci ee loo qabo in dastuurku uu damaanad qaado xuquuqda dadka naafada ah.

Wakiilladu waxaa kale oo ay madaxweynaha hordhigeen baahida waxbarasho, midda shaqo iyo tan daryeel ee ay qabaan dadka naafada ah oo ay sheegeen in ay Soomaaliya ku badan yihiin, dagaalka sokeeye awgiis.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh kaddib markii uu dhegeystay talooyinka iyo codsiga wakiillada, uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu sugi karo xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud ayaa balan qaaday in la qaban doono shir weyne wax loogu qabanaayo duruufaha adag ee ay ku nool yihiin Naafadda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in Madaxtooyada laga sameyn doono xafiis qaabbilsan dabaggalka howlaha ku wajahan sugidda xuquuqda naafada.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245