Jowhar – (Mareeg.com): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta saacado kooban joogay magaalada Jowhar oo uu ku tegay diyaarad Helicopter ah ayaa khudbad u jeediyey reer Jowhar oo isugu soo baxay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa diiradda ku saaray labo dhibaato oo haatan ka taagan magaalada Jowhar iyo hareeraheeda, kuwaasoo kala ah fataahadda wabeiga Shabeelle oo magaalada go’doon ka dhigay iyo dagaal beeleed dad badan lagu dilay oo ka dhacay bariga iyo woqooyiga Jowhar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay iney ka warhayeen dhibaatooyinka fataahadda wabiga ee laga soo sheegayey Shabeellaha Dhexe, balse ay maanta indhahooda ku arkeen deegaanada ay biyuhu dabooleen.
Madaxweynaha ayaa isagoo saran diyaaradda Helicopter-ka ah sheeda ka arkay deegaanada ay biyaha go’doomiyeen iyo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dadka ay doon u raacayaan kadib markii dhulkii oo dhan u ekaaday wabi.
Madaxweynaha ayaa dadka Jowhar u rajeeyey in laga bixi doono dhibaatada ay sababtay fatahaadda wabiga Shabeelle, islamarkaana laga faa’iideysan doono barwaaqda ka dambeysa, isagoo xusay iney la socdaan xubno ganacsato ah oo uu ka mid yahay gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya.
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh u gali doonto sidii wax loogu qaban lahaa dadka daaadku saameeyeen ee Jowhar ku nool.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday colaada u dhaxeysa labada beelood oo dhawaan dib uga soo cusboonaatay deegaano woqooyi bari ka jira Jowhar, iyadoo maantana dagaal uu dhex maray labadaas beelood.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya u istaagi doonto sidii colaadda labadan beelood loo xallin lahaa, isagoo odayaasha gobolkanakana ka rajeeyey iney arrintaas u istaagaan.
“Dowladana waa u istaagi doontaa oo kama fariisan doonto coladda, Waxaan leenahay waqtiga colaadeed lama joogo, waxaan ka rajaynaynaa in odayashii hore u xaliyay colaadaan ay haatana u istaagaan sidii loo xallin lahaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu dhaliilayey ineysan wax u qaban dadka fataahadda wabiga Shabeelle ku saameysay magaalada Jowhar.
Mareeg.com