Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay soo guteen waajibaadka Xajka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaare Cabdiweli, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Benaadir iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynaha oo soo dhaweyn kaddib la hadlay warbaahinta ayaa ugu horeyn sheegay intii uu ku sugnaa dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina uu u soo duceeyay dadka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa dhanka kale sheegay inuu hambalyeynayo ciidamad Soomaaliya iyo Amisom ee Alshabaab kala wareegay degmooyinka Cadale iyo Baraawe.
Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in madaxda dowladdu aanay ku kala duwanayn sidii uu ugu guuleysan lahaa hadafka dowladda ee ku aadan horumarinta iyo dib u dhiska wadanka, isla markaana ay ka go’antahay madaxdu ay arrimahaasi si wada jir ah u qabtaan.
Comments are closed.