Madaxweyne Xasan oo ka qeybgelaya caleema saarka Siisi

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Masar, si ay uga qeyb galaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha Masar ee dhawaan la doortay C/fataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda ka qeyb galaysa caleemo saarka madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi.

Al-siisi oo horay u ahaa wasiirka gaashaandhiga dalka Masar ayaa inqilaabay madaxweynihii dalkaa Muxamed Mursi, waxaana 26-27-28 May 2014 dalka Masar ka dhacday doorasho uu kula tartamay siyaasiga Xamdiin Sabaaxi.

Dadkii codeeyey oo aad uga yaraa intii horay looga bartay Masar ayaa C/fataax Al-siisi ku guuleystay aqlabiyad ballaaran oo aheyd 90%.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245