Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay shirka Golaha Wasiirada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay shirka Golaha Wasiirada

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’ud ayaa ka qeybgelaya shir ay Muqdisho ku leeyihiin Golaha Wasiirada, kaasoo sida la sheegay looga hadlay howlaha hub uriirinta iyo amaanka caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Taliyaasha Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Soomaaliya. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay Sharciga Hubka dhigista,inkastoo Baarlamaanka federaalka aysan ansixin.

Waxaa lka filayaa in marka shirku dhamaado lala hadlo warbaahinta. Kulanka Golaha Wasiirada ee manta ee uu ka qeybgalay madaxweyne Xasan ayaa kusoo beegmay kadib markii shalay dagaal ka dhacay degmada Wadajir, xilli ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM doonayeen iney hubka ka dhigaan gudoomiyihii hore ee degmadaas Axmed Daaci.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!