Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay kulan weyne xalay ka dhacay Hiliwaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay kulan weyne xalay ka dhacay Hiliwaa

Mareeg.com: Xalay fiidkii ilaa saqdii dhexe waxaa Xarrunta gobolkada Banaadir ku leeyahay degmada Hiliwaa ee magaalada Mqudisho lagu qabtay kulan weyn, kaasoo uu ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey dugoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Muungaab, waxaana kulanka loogu magacdaray “Kulanka madaxweynaha iyo gobolka Banaadir”.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, xubno ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo ka socday maamulada Puntland iyo Juba.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab ayaa munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in gobolka Banaadir nabadyahay, taasina ay suurageliyeen ciidamada amaanka oo kaashanaya Allah, sida uu yiri.

Muungaab ayaa sheegay iney kulanka joogeen in ka badan kun ka tirsan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda Hoose iyo maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in degmada Hiliwaa ay aheyd halkii mar kasta Alshabaab iska soo abaabuli jireen, xilligaan ay nabad noqotay sida uu yiri.

“Halkaan waxaa lasoo maray habeeno farabadan oo aan nolol iyo wax nal ah aysan ka jirin, iska daad in dad badan oo nucaan ah habeen ku kulmaane” ayauu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Amaanka agagaarka Xarrunta gobolka Banaadir ku leeyahaya degmada Hiliwaa oo kazoo horjeedda Hotel Ramadaan ayaa aad loo adkeeyey saacadihii uu halkaas joogay madaxweyne Xasan iyo madaxda kale ee la socday.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyey amaanka xaafadaha Yaakhshiid, Kaaraan iyo Hiliwaa ee deegaan ahaan aad ugu dhow xarrunta kulanku ka dhacayay.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan xilli habeen ah tago degmada Hiliwaa oo la sheego in weli Alshabaab ku firfircoonyihiin tan iyo markii xilka loo doortay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!